|

Madaxweyne Gaas,” Dariiqa kaliya ee lagu wada hadli karo waa in maamulka Hargeysa uu isaga baxo gobolka Sool.

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa diiday inuu gor gortan siyaasadeed ka galo xiisadaha ka taagan gobolka Sool, kadib markii Qaramada Midoobay iyo urur goboleedka Igad ay soo jeediyeen in wada hadal lagu dhameeyo colaada ka taagan goolka Sool.

Warsidaha Puntlandi oo soo xiganaya Ilo xog-ogaal ah, ayaa ogaaday in madaxweyne Gaas uu beesha caalamka u sheegay inuusan marnaba maamulka Hargeysa kala hadlidoonin gobolka Sool oo ah dhul katirsan Puntland oo uu kusoo duulay.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay dariiqa kaliya ee lagu wada hadli karo inuu yahay, in maamulka Hargeysa uu si degdeg ah uga baxo gobolka Sool kuna laabto dhulkiisa, haddii taasi ay dhici weydayna ay dowladda Puntland u diyaarsan tahay inay dhulkeeda xorayso.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in Muuse Biixi uu beesha caalamka udiray baaq ku saabsan in lasoo faro galiyo xaalada gobolka Sool, isagoo marmarsiiyo kaga dhigtay in dowladda federalku soo weerartay dhulkooda.

Puntlandi.com

Comments are closed