Alla ha u naxariistee waxaa shaley shilkii diyaarada ee ka dhacey Pakistaan ka mid ahaa dadkii ku dhintey marxuum Bashiir Bare Samatar oo kamid ahaa Ganacsatada ugu waaweyn ee Puntland.
Bashiir Bare Samatar wuxuu ahaa ganacsade isaga goosha Bosaso-Dubai iyo waliba Pakistaan oo reerkiisu daganaayeen, Bashiir wuxuu intuusan dhiman kasoo duuley Dubai isagoo taransit ku ahaa Karaaaji halkaasoo uu karaacey diyaaradaan burburtey intiisan gaarin Islamabadh.
Dhamaan shaqaalaha Warbaahinta Puntlandi iyo Allpuntland waxey tacsi gaara u dirayaan Bootaan Bare Samatar iyo Nuur bare Samatar iyo dhamaan REER BARE SAMATAR geerida naxdinta leheyd ee ku timid Bashiir Bare Samatar waxaan illaahey idiinka baryeynaa in uu samir iyo iimaan idinka siiyo isagana janadii Fardowsa geeeyo.
Waxaa tacsi taas lamida diraya dhamaan Jaaliyada Soomaaliyeed ee Copenhagen waxeyna tacsida u dirayaan Bootaan bare iyo Nuur Bare samatar geeridii ku timid walaalkood waxey kaloo tacsi tiiraanyo xambaarsan u dirayaan Xaaskii iyo Caruurtii uu ka geeriyoodey Alla ha unaxariistee Bashiir Bare Samatar.

RSS Feed
Posted in 





