|

(DAAWO)Maamulka Hargeysa oo go,doomiyey Laascaano iyo waxgaradka oo ka hadlay

Ismaaciil Maxamed Jaamac Gudoomiyihii hore ee Buuhoodle ugu magacawnaa Somaliland oo shir jaraa,id ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa ka hadlay xaalada ay ku sugan tahay magaalada Laascaano.

Ismaaciil Maxamed Jaamac ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliland uu doonayo inuu afduub u haysto shacabka magaalada Laascaano kadib markii dagaalka looga adkaaday.

Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliland ciidankiisu godad waaweyn oo dhufaysyo ah ku wareejiyeen magaalada Laascaano iyagoo doonaya inay gabaad ka dhigtaan shacabka.

Bulshada Gobalka Sool oo ay ugu horeeyaan Isimadda ayuu ugu baaqay inay midoobaan dagaalka Maamulka Hargaysa looga sifaynayo Gobalka Sool.

Comments are closed