Ummad kasta oo leh degaan iyo sohdimo degaankeedu ku salaysan yahay, lehna wax garad iyo waayeel kala haga (guurti) waxay xaq u leeyihiin in ay la baxaan magaca ay isla gartaan, ka dibna la yimaadaan astaan u taagan kayaankooda(calam),intaas kadibna u sii gudbaan arimohooda kale ee keenay in ay noqdaan shacab sugay jiritaankooda qoomiyadeed.Hadaba haddii wax garadkii shacabka ku fidsan carriga baaxadda weyn,( 212,510 km.sq) taas oo u dhiganta saddex meelood hal meel dalka Somaliyeed loona bixiyey magac ahaan PUNT LAND SOMALIA ay dhidibada u aaseen jiritaanka kayaankaas shacab ahaan iyo dal ahaanba, ayna noqotay in dad badan oo dunida daafeheeda ku nool ku nasab sheegtaan manta, marka waxaa waajib ah in aan laysku deyin ama la hawaysan in la burburiyo. Waana in laga shaqeeyaa,taban taabadeeda iyo turxaan bixinteeda iyo taabagelinteeda iyo tayeysiinta miraha ka dhashay samaynta degaankaas .
Haddaba haddii aan taariikhda dib ugu laabano waxaan oran karaa, dalkan wuxuu ka kooban yahay,saldanooyin hore u jirey oo la casriyeeyey ama laysku daray bal akhri.
Boqortooyadii Majeertenya waxay jirtey sannadihii, 1885-1927.
Boqortooyadii Sanaag waxay jirtey 1880-1925.
Saldanadii Mudug, 1890-1927.
Waxa kale oo jirey dhulka Hawdka Ciid leh ilaa waqooyiga Sanaag Ugaasyo iyo Garaadyo ka talin jirey inkasta oo aanan aqoon u lahayn taariikhihii iyo sida ay u kala horeeyeen. DHammaantoodna waxaa ka dhexeeyey xidhiidh wax wada qabsi xagga ammaanka iyo xagga tijaaradaba. Haddaba tariikhdaas aan idiin bidhaamiyey bay lahaayeen dadka la baxay manta PUNT LAND. Waxaase burburiyey Boqortooyooyinkaas gumaystayaashii Ingiriiska iyo Talyaanig .
Boqoradii iyo Salaadiintii waxuu u tarxiilay Muqdisha kuna xabisay ilaa ay ka dhintaan. Kuwii Boqortooyadii Sanaag Ingiriisku wuxuu u tarxiilay Jasiiradda Siishalis.
Haddaba difaaca dalkan muqadaska waa side?
Waxaa loo difaaci karaa, maskax: ahaan oo macneheedu yahay in lala yimaado siyaasad debecsan oo la jaan qaadi karta waaga jira iyo xaaladaha kala duwan ee la maraayo iyadoo ka hufan qabiil iyo nin jacayl kuna dhisan cilmi qota dheer iyo waaya aragnimo .
Maal: oo wa in aad xoolo adduun ku bixisaa jiritaanka dalkaaga, waana waxa loo yaqaan ( spesa politica) ,hadday noqon lahayd mid gudaha jooga in aad siiso ama mid dibad jooga,, waana in dalku ka faaiidaayo maalkaas bixintiisa ma aha mid dan gaara laga leeyahay.
Muruq: waana xoog la isticmaalo marka ay daruuri noqoto.
Haddii aan u soo noqdo arinta manta ka taagan P/L waa weerarka uga yimi nin ka mid ah degaanka,waa arin marna aan mubarir siinayn ninka soo qaaday dagaalka,una baahan in loo caqli celiyo, iyadoo daraaso dheer lagu samaynaayo waxyaabaha ku kalifay in uu buuraha galo.
Cidkasta oo ka sheeganaysa Cadaalad xumo , ma in uu qori qaato oo dagaalomo baa mise waa in uu raacaa tubta ugu dhow oo warkiisa loo maqli karo isagoo kaashanaaya caqli iyo cilmi dheeraad ah,una bandhigaaya golayaasha sare iyo daweynaha isaga la midka ah si uu u helo taageero xoog badan .Waxaa ka jra dalka dhammaanti maamul xumo iyo eex iyo qaraabaysi iyo mulkiyid xoolihii dadweyna iyo xisaab la’aan ka jirta dhammaan goobaha taladu ka go’do dhanka kale siyaasad xumo xagga gudaha iyo dibaddaba,ku dar kala fogaan beelaha ku bahoobay PLAND.
Haddaba arrintu ma aha in laga fiiriyo xagga weerarka kaga yimi cadowga ku soo duulay ee in dhammaan arimaha la turxaanbixiyo oo la kala hufo oo saraakiisha dawladda u saraysa lala taliyo iyadoo laga fogaanaayo dan gaar ah iyo qabiilba.
Waxaa jira duulaan kaga yimi xagga siyaasadda iyo xagga ammaanka iyo xagga quudkaba oo dakii way baahan yihiin iyadoo dalka khayraad ka buuxo. Waxaas oo dhan waa maamul xumo aad u weyn oo ka jirta dalka, hadaba waa in gacmaha lays qabsado si looga gudbo marxaladaan xasaasiga ah . Dadka iyo dalkuba waxay leeyihiin cadow aad u badan oo kaga imaanaya afarta jiho, waxaana ka mid ALshabaab,beelaha koonfureed ,beelaha woqooyi iyo qaar kale oo badan, dhammaan waxay la damac san yihiin jab iyo silic iyo saxariir marka manta in la helo dad ka mid ah shacabka reer PLAND oo u heelan burburka dalkooda waa wax aan loo dulqaadan Karin una baahan in difaac xoog leh la galo ilaa laga adkaado iyadoo gacmaha lays haysto shacab iyo xukuumadba.
Cabdishakuur Musse maxamed
AOMUSSE@HOTMAIL.COM

RSS Feed
Posted in 





