|

Breaking News– Emaratka Carabta iyo Sacuudiga oo mashaariic hor leh u balan qaadey Puntland



Madaxweynaha Dowlada Puntland oo Dalka Isutaga Emaaraatka Carabta booqasho rasmi ah ku jooga ayaa wuxuu la kulmay Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Arimaha Dibada Emaraatka iyadoo kulamadaas looga wada hadlay Xaalada soomaaliya iyo xirrirka labada Dal.

Sida ay warka ku hayaan Howlwadeenada warbaahinta Puntlandi.com waxaa is afgarad buuxa laga gaaray dhamaan waxyaabihii laga wada hadley oo ay ugu horeysay sii xoojinta Xirrirka Punland iyo Emaraatka iyadoo ay Emaaraatku balan qaadeen iney laba jabaarayaan kaalmadii iyo taageerada ay siiyaan Puntland.

Mashaariic hor leh ayay Dowlada Emaaraatku ay balan qaadeen iney Puntland ka fulinayaan oo ay ugu horeyso dhinaca adeega Bulshada oo ay sheegeen iney Malaayin doolar galin donaan.

Wararka kale ee aan Helayno waxay sheegaan in Sanduuq(Hay’ad gargaar) kaalmada dibada loogu talagalay oo ay siwada jira u maalgaliyaan sacuudiga iyo Emaaraatka ay iyana balan qaadeen Maaliin doollar oo lagu kaalmaynayo Puntland.

Sida aan wararka ku heyno waxaa kaloo kamid ah Ujeedka safarka Madaxweyne Gaas inuu ukala dab qaado Abdu dhabi iyo Muqdisho, lakiin wali waxa uga suura galay arintaas lama oga.

Puntlandi.com
Dubai

Comments are closed