|

(SAWIRRO) Dowladda Puntland oo gargaar raashin ah gaarsiisay magaalada Baladweyne.

Dowladda Puntlkand ayaa gargaar raashin ah gaarsiisay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku dhibaataysan yihiin kumaanaan shacab ah oo ay saameeyeen fatahaadii webiga Shabeelle ee ka sameeyay gobolka Hiiraan.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa uga mahad celiyay dowladda Puntland iyo shacabkeed deeqdaan raashinka ah, wuxuuna sheegay inay muujiyeen walaalnimada, ehelnimada iyo wanaaga ay u hayaan shacabka walaalahooda ee dhibaataysan.

Maamulku wuxuu sheegay in Puntland iyo shacabkeedu yihiin cida qura ee gargaar gaarsiiy beledweyn marka laga reebo gobolka banaadir oo 100 kun ugu deeqay shacabka dhibaateeysan

Deeqdaan waxaa helay oo ay gaartay 1550 qoys oo ay fatahaadu saameeyeen.

Puntlandi.com

 

Comments are closed