Kismaayo(Pi)Qaraxaan bambaano oo ka dhashay bam ay caruur ku ciyaarayeen ayaa waxaa uu salaadii maqrib ka hor ka dhacay gudaha magaalada kismaayo ee xarunta gobbalka jubbada hoose .
Qaraxaaan ayaa yimdi kadib markii caruur qar,qaraacayay walxaha qarxa uu ku qarxay,waxaana uu qaraxaasi uu saba,bay dhimashada hal qof iyo dhaawaca afar kale oo inatooda badan ahaa caruurtii ku dheelayay bambka qarxay.
Goobta uu qaraxaan saba,bay dhimashada iyo dhawaacaka dhacay oo ahayd warshadii hore ee hilibka ee magaalada kismaayo,ayaa waxaa gaaray wariyaha warbaahinta Allidamaale.com waxaa uu halkaasi kula kulmay qaar ka tirsan dadkii goobjoogayaasha ahaa,waxaana ay sii xaqiijiyeen in qaraxa uu ka dhashay walxaha qarxay oo ay ilmuhu ku dheelayeen.
Dhaawacyada afartii qof ee wax soo gaareen ayaa waxaa islamarkiiba loola orday isbitaalka guud ee magaalada kismaayo,halkaasi oo dhaawacyadooda lagu dabiibayo,qaar katirsan dadka dhaawacmayna aad ayay u liiteen jaraaxdooda.
Maamulka degmada kismaayo aya waxaa uu tacsi tiiraanyo leh u diray eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday qof dhintay iyo kuwa dhaawacmay intuba.
Sheikh Hassan Yacquub’’oo ah gudoomiyaha degmada maamulka xarakada al shabbab al mujaahiduun ee kismaayo”oo ka hadlay qaraxa ayaa waxa uu sheegay inay ka xunyihiin waxa dhacay,ayna u tacsiyeenayaan qaraabadii dadkii wax ku noqday qaraxa dhacay.
Gudoomiyhu waxa uu sheegay in wali ay magaalada ku dambeeyaan hubkii lagu dagaalmi jiray xiligii dagaalada sokeeye ay ka dhici jireen gudaha magaalada kismaayo,iyo jubbooyinka,waxaana uu sheegay in mudooyinkii ugu dambeeyay ay wilaayadu waday howlgalo ay kaga baarayso waxxaha qarxa gudaha magaalada.
Inta badan magaalooyinka waaweyn ee dalka ayaa waxaa ka dhaco qaraxyada noocaan oo kale ah,waxana sabab u ahaa dagaaladii sokeeye

RSS Feed
Posted in 





