Buuhoodle(Puntlandi.com)Khilaafkii ugu horeyey ee soo kala dhexgala jabhada SSC ayaa hada meeshii ugu sareysey maraya ka dib markii la ogaadey in hogaanka ugu sareeya ururka ay xiriir hoose la lahaayeen Xisbiga Kulmiye ee hada la wareegey Xukunka Hargeysa.
Saleebaan Ciise iyo Cali Sabarey ka mid ah hogaanka ugu sareeya SSC ayaa tan iyo markii la aasaasey SSC waxey xiriir qarsoon la lahayeen Siyaasiyiin reer Somaliland ah,gaar ahaan xisbiga Kulmiye taasi oo keentey in golaha SSC iyo hogaamiyayaasha ciidanka uu soo kala dhex galo khilaaf bilihii lasoo dhaafey.
Bartamihii bisha luuliya ayaa Kayse Cabdi Yuusuf si weyn uga shakiyey Cali Sabareey inuusan daacad u aheyn mowqifkii SSC loo dhisey ,taasi oo keentey in Cali Sabarey uu dhowr jeer weeraro Keyse. Dhinaca kale golaha khusuusta ayaa iyana muujiyey in qaar ka tirsan Hogaanka ururku ay xiriir la leeyihiin xisbiga Kulmiye.
Baaritaan dheer oo aan ku sameyney arintaan ayaan idiinku xaqiijineynaa inuu jiro xiriir ka dhexeeya Saleebaan Ciise , Cali Sabarey iyo xisbiga kulmiye, Cali sabereey wuxuu kulan qarsoodi ah dhowr jeer la yeeshey rag ka socda xisbiga kulmiye oo asal ahaan kasoo jeeda SSC kulankaasi wuxuu ka dhacey agagaarka Buuhoodle.
Intii u dhaxeysey 15 ilaa 16 bishii april ee sanadkaan ayaa naloo xaqiijiyey in Saleebaan Ciise uu magaalada Nairobi si qarsoodi ah kula kulmey rag ka socda Ahmed Siilaanyo, wuxuuna kulankaasi ahaa mid qarsoodi ah, qaateyna wakhti kooban.
Maxamed Xassan Buraale oo ahaa xisaabiyaha SSC ayaa maalmo ka dib markii xilka laga qaadey wuxuu sheegey in Raga(Hogaanka SSC) ay Buuhoodle rag kale ku sugayaan (Raga ay sugayaana wuxuu ka wadey Xisbiga Kulmiye oo aan xiligaas ku guuleysan Doorashada)
Dad ku dhow Maxamed Xasan Buraale waxey noo xaqiijiyeen sababta keentey khilaafka soo kala dhex galey isaga iyo hogaanka SSC inuu ahaa ka dib markii ay hogaanku si qaldan u isticmaaleen hantidii ay soo direen jaaliyada dibada ee SSC, tasoo markii dambe xitaa arintu gaartey in saraakiishii ciidanka iyo hogaankii khilaaf soo kala dhex galo.
Tan iyo xiligaas waxaa jirey kalsooni daro soo kala dhex gashey hogaanka SSC ilaa hagaamiyayaasha hoose, waxaana jirey shaki weyn oo laga qabey hogaanka sare iney xiriir hoose la leeyihiin Xisbiga kulmiye balse xiligaas wax cadeyn ah ma aysan heyn aan ka aheyn xan hoose.
Waxaa hada soo ifbaxey in Hogaanka sare ee SSC ay xiriir iyo heshiis hoose la galeen Xisbiga Kulmiye wakhti hore, waxaana jira balan qaadyo loo sameeyey ragaas hadii Kulmiye ku guuleysto hogaanka,hada oo Kulmiye Guuleystey wuxuu Ahmed Siilaanyo marti qaad u fidiyey SSC balse wali hadal kama soo yeerin hogaanka SSC, taasoo cadeyneysa inuu jiro khilaaf ah.. “Aan aqbalno marti qaadka” oo ay leeyihiin ragii awalba sida hoose ula xiriirey Kulmiye iyo ”Aqbali mayno” oo ay leeyihiin raga daacada u ah SSC oo markasta diidan in wada hadal lala galo Somaliland ilaa ay Ciidamada ka saaraan dhamaan dhulka SSC
Farxaan Xuseen Ali
Puntlandi.com
farhan@puntlandi.com

RSS Feed
Posted in 





