Xawaalada Qaran magaalada Galkacyo oo Afartan kun oo dollar laga dhacey saaka

Gaalkacyo(Puntlandi.com) Saaka aroornimadii ayaa koox hubeysan weerareen xawaalada Qaran Express xarunteeda Gaalkacyo,hal qof oo ahaa waardiyihii xawaalada ayaa dhawac halisa oo dhimasho u dhow soo gaarey halka qof kale   oo ka mid ah shaqaalaha xawaaladana uu dhawacmey fudud soo gaarey. Waxaana la cadeeyey iney dhaceen lacagtii taaley xawaalada xiligaas oo gaareysey 40,000 USD.

Ciidamada bileyska ayaa markiiba hareereeyey goobta la weerarey,Waxaana markiiba la sheegey in la daba joogo ragii weerarkaan foosha xun geystey,sargaal ka tirsan bileyska wuxuu noo sheegey in la garanayo heybta raga dhacey lacagta. ilaa hada lama sheegin inta ay cadadkeedu yahey lacagta la dhacey.

Maanta oo kale ayaa ah maalinta ay ugu mashquulsan yihiin Xawaaladaha Soomaaliya, maadaama bishan ay Axad ku egtahey ramadaana soo galeyso bishan.

Xawaalada Qaran waxey ku wargelineysaa Macaamiishii  lacagaha ku dirsadey Xafiiska Gaalkacyo ee aan lacagtii la qaadan, iney si degdeg ah ula xiriiraan Xafiiska Qaran ee aad lacagta ka direteen.

kala soco Puntlandi.com wixii soo kordha warkaan

You can leave a response, or trackback from your own site.

Leave a Reply