Masjidkii ugu weynaa oo Soomaali ugaara oo maanta laga furey caasimada labaad ee Denmar

Danmark(Puntlandi.com)Magaalada labaad ee Ugu Weyn Dalka Denmark Århus, ayaa maanta waxaa si Official ah looga furayaa Masjidkii ugu Weynaa ee ay Somali yeelato, kaas oo loogu magac daray Markiska Bilal 
Masjidkaan oo ka Kooban Saddex Qeybood (Dabaq) & Dhul Banaan oo ay Caruurtu ku cayaarto, si taxadar ahna u xeeran ayaa noqonaya midkii ugu horeeyey ee noocan ah oo magaalada ka Hirgala.
Xaflada Furitaanka Masaajidka oo ay kasoo qeyb galayaan Culimo ka kala socota Qeybaha kale ee Denmar, sida Magaalooyinka Waaweyn ee Ålborg, Odense & Kųbenhavn ayaa iyana goob joog ka ahaandoona Xaflada Furitaanka, iyaga oo halkaa wacdi iyo waanaba ka jeedin doona.
Waxaa sidoo kale Xafladan lagu martiqaaday Odayaal Aqoonyahano iyo Dadweyne farabadan oo iyagu markaa Goob joog ka xaflada Furitaanka hadalna halkaa ka jeedin doona. Waa markii ugu horeeysey oo Somalidu yeelato Markis Ama Masaajid cudadaan leh, weynaanta baaxadaa leh ku Fadhiyo, iyada oo ay Hore u Jireen labo kale oo yar yar oo iyana mudo dheer ay Soomalidu Isticmaali Jirtay, Welina Furan oo Shaqeeya.
Faahfaahin Dheeri ah oo Arintaan ku saabsan & Waliba Masawirada Masaajidkaba waxaan idiin soo Gudbin Doonaa Dhawaan, waloow Wararka aanu heleyno ay sheegayaan in Mas’uuliyiinta faraha ku heysa qeybta Teknikada ay isku deyi doonaan in ay Xafalada si tioos ah ugu soo xiraan Websiteyada Somalida si Toos ahnna loo daawan doono, wixii macluumaad ah oo Arintaa ku saabsan, fadlan ka suga Boggan iyo kuwa kale oo iyana Arintaa soo gudbinteeda ka qeybqaadanaya Insha Allah.
Xafiiska wararka Yurub
laanta Danmark
post@puntlandi.com


You can leave a response, or trackback from your own site.

Leave a Reply