|

(SAWIRRO) Ciidamada Jubbaland oo dib ula wareegay degaanka Sanguuni.

Ciidamada milatariga Jubbaland ayaa kooxda Alshabaab kala wareegay deegaanka Baar-sanguuni oo kismaayo 50Km u jirta.

Ciidamadda Jubbaland ayaa sheegay inay dileen in ka badan labaataneeyo oo ka tirsanaa argigixisada Alshabaab qaarna ay gacanta ku dhigeen.

Ciidamada Jubbaland oo taagero ka helayo ciidamo Mareykan ah ayaa ku guuleestay xureynta degaanka baarsanguuni waxaana degaanka laga weeraray labo jiho oo ciidamada ku qabsadeen deegaanka.

Sidoo kale waxay ciidamadu wareegeen hub iyo saanad ciidan oo ay lahayeen nabadiidka Al-shabaab sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka Jubbaland.

DAAWO SAWIRRADA.

Puntlandi.com

Comments are closed