|

Madaxweynaha Jubbaland oo booqday Baar Sanguuni.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) ayaa maanta booqday meeshii jimcihii la,isku qarxiyey ee Baar Sanguuni ee jubbada hoose.

Axmed Madoobe oo xirnaa Tuutaha Cagaaran ee Ciidanka Militariga ayaa Diyaarad Helicopter ah ku tagay deegaankaas oo 45 KM ujira Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada hoose.

Madaxweynqha Maamulka Jubbaland ayaa halkaas kula kulmay qaar ka mid ah Saraakiisha ku sugneed xerada waxaana uu ka xog waraystay xaaladda hadda sida ay tahay iyo meesha ugu dhow ee Al shabaab ay kaga suganyihiin Jubbada hoose.

Saraakiisha ayaa u sheegay Axmed Madoobe in Al shabaab ay ku suganyihiin deegaano aan ka fogayn Xerada hadda ay dhexjoogaan.

Axmed Maxamed Axmed Madoobe ayaa Ciidankii uu la kulmay ku dhiiragaliyey in maalmaha soo socda Al shabaab dagaal loogu saarayo deegaanada hadda ay ka joogaan Jubbada hoose.

Puntlandi.com

 

You must be logged in to post a comment Login