|

Dowladda Maraykanka oo shaacisay inay Soomaaliya ka dhisayaan awood culus oo ka hortagta qatarta argigixisada.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay sii wadayso burburinta qatarta kooxaha argigixisada Alshabab iyo Daacish ee ka dagaalamaa gudaha dalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibada Maraykanka ayaa lagu yidhi, Maraykanka ciidamadiisa waxay talo iyo caawinaad siiyaan ciidamada gobolka oo ay ku jiraan kuwa Soomaaliya iyo Amisom ee dagaalka kula jira argigixisada.

” Waxaan sii wadidoonaa la shaqeynta saaxiibadeena Soomaaliya si loo gaaro xasilooni amni iyo maamul hagaagsan.” ayaa lagu yidhi qoraalkaan oo sidoo lagu beeniyay in Maraykanku hoos udhigayo taageeradiisa milatari ee Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka waxay sheegtay inay dhisayso awood culus oo ka hortagta in ururada xag-jirka ah ay waxyeelo ka geystaan gobolka, Yurub iyo Maraykanka, sida uu sheegay General Thomas Waldhauser, oo ah taliyaha ciidanka Africom.

Wasaaradda arrimaha dibada Maraykanku waxay ururada argigixisada ee Soomaaliya ka dagaalama ku tilmaamtay cadow hortaagan horumarka iyo xasiloonida Soomaaliya, iyadoo sheegtay in looga guulaysan karo isku duubni ka timaada dowladda federalka iyo dowladdaha xubnaha iyo howlgalka Amisom.

Puntlandi.com

Comments are closed