|

(Dhegayso) Dowladda Puntland oo feejignaan culus kaga jirta qatar kasta oo kooxaha argigixsadu maleegayaan.

Dowladda Puntland ayaa si adag u adkaysay ammaanka magaalooyinka waaweyn ee Puntland, kadib markii la helay xogo amni oo sheegaya in qaraxyo ay soo abaabuleen kooxaha argigixisada ee cadowga Puntland lala maleegayo Puntland iyo shacabkeeda.

Taliyaha qeybta booliiska gobolka Nugaal, gaashaanle dhexe Faarax Cabidraxmaan Warsame, ayaa warbaahinta gudaha u sheegay inay hayaan xogtaas ayna si aad u ah adkeeyeen ammaanka magaalada Garowe, oo bartilmaameed muhiim ah kooxaha argigixisada.

Taliyuhu wuxuu sheegay inay heegan culus galiyeen laaamaha amniga iyo kantaroolada lagasoo galo caasimadda, sidoo kale ay ciidamo aad u badan ka howlgaliyeen magaalada gudaheeda si ammaanka goobaha shacabka loo adkeeyo.

Waxaa uu taliyuhu sheegay inay shacabku kaalin muhiim ka qaadanayaan la shaqeynta ciidamada amniga, isagoo kusii booriyay inay laamaha amniga usoo gudbiyaan wixii xog ah oo ay helaan.

Halkaan ka dhegays codka taliyaha.

      Faarax

Puntlandi.com

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Comments are closed