|

Dowladda Puntland oo beenisay inuu wax wada hadal ah u socdo iyaga iyo maamulka Hargeysa.

Dowladda Puntland ayaa beenisay inuu wax wada hadal ah u socdo iyaga maamulka Hargeysa, wada hadalkaas oo ku saabsan xaalada gobolka Sool iyo in labada dhinaca ay heshiis ka gaaraan sidii loo kala qaadi lahaa ciidamada is horfadhiya.

Afhayeenka xukuumada Puntland, Quraanjecel, ayaa cod ku dheer ku sheegay Puntland inayan gorgortan ka galaynin xoraynta gobolka Sool ayna dowladdu flinayso ballanqaadkii madaxweynuhu ka qaaday shacabka Puntland, kaasoo ah in gobolka Sool oo idil lagusoo celiyo gacanta dowladda

Hadalka afhayeenka ayaa jawaab u ahaa war kasoo baxay wasiirka arrimaha dibada maamulka Hargesysa, kaasoo Hargeysa ka sheegay in ay socdaan dadaalo beesha caalamku ku daminayso dagaal Sool ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland.

Halkaan ka daawo afhayeenka Puntland.

 

 

You must be logged in to post a comment Login