|

(SAWIRRO) Dayactir lagu bilaabayo laamiga Gaalkacyo dhexmaray.

Gaalkacyo (Puntlandi) Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug ayaa waxaa dhowaan laga bilaabi doonaa dayactirka Laamiga weyn ee dhexmara gudaha magaalada Gaalkacyo kaas oo in mudo ah burbursanaa.
Shirkada loo xilsaaray dhismaha laamiga weyn ayaa injineeradiisa waxay guda galeen inay qiimeeyaan laamiga meelaha ubaahan in dib loo dhiso iyo meelaha ubaahan dayctir kaliya.
Duqa degmada Gaalkacyo mudane Maxamuud Yaasiin Axmed Tumey ayaa sheegay in dhisida laamiga weyn ee dhexmara gudaha magaalada Gaalkacyo ay iska kaashan doonaan shacabka Gaalkacyo iyo dowlada Hoose laguna dhisi doono isku tashigii uu sheegay Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Injineerada ayaa dhankooda sheegay in ay ku dadaali doonaan sidii ay udhisi lahayeen laami casri ah oo xamili kara baabuurta iyo xamuulka saaran. Laamiga weyn ee Gaalkacyo ayaa ah mid bur bursan in mudo ah balse haatan maamulka degmada ayaa wada dadaalo lagu dhisayo laamiga.
Daawo Sawiradda.
Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login