|

Dhagayso :-Hay,ada Taya dhawrka Puntland Oo Bosaaso Shahaadooyin Aqoonsi ku Gudoonsiisay labo kamid ah Warshadaha biyaha sifeeya

Gudiga Taya dhawrka Badeecadaha Puntland oo kaashanaya Hay,ada Taya dhawrka Puntalnd ayaa maanta Magaalada Bosaaso waxa ay Shahaadooyin Aqoonsi ku Gudoonsiiyeen  labo kamid ah Shirakadaha Biyaha  macaan sifeeya ee ka howlgala Magaalada Bosaaso  ,kadib markii  la ogaaday tayada biyaha ay soo soaaraan in ay  tahay mid waafaday baaritaankii lagu sameeyay .

Munaasibada  oo lagu qabtay   Xarunta Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland  ayaa waxaa ka soo qayb galay Maamulka Gobolka bari, kan dagmada   Bosaaso , Madaxda Haya,ada Taya dhawrka Puntland  Mas,uliyiinka Gudiga Taya dhawrka  Puntland .

Salaad Aadan Maxamuud  oo ah Agaasimaha  Taya dhawrka badeecadaha Puntland  ,ahna  Gudoomiyaha Gudiga Taya dhawrka  oo furitaankii munaasibada ka hadlay ayaa sheegay  in  Gudiga ay horay sha haado sharaf u Gudoonsiiyeen   labo Warshadood  oo horay u buuxiyay  shuruudihii looga baahnaa .

Muxidiin Maxamed oo kasocday Aqua Safi iyo Cabdirisaaq Cabdulle oo ka socday Al-Raxma ayaa ka mahadceliyay shahaadooyinkan loo gartay, waxaana uu xusay inay sii wadayaan hormarinta biyaha.

Gudiga Taya dhawrka Puntland ayaa sheegay in  Warashadaha kale ee harsan  uu ku socdo baaritaan lagu ogaanayo Tayada Biyaha ay soo saaraan .

Bishii Aug- 2017 kii ayay ahayd  markii uu  Madaxweyne Gaas Magaalada Bosaaso uu  ka daah furay Xarunta  Taya Dhawrka Badeecadaha ee Puntland .

      Agaasimaha

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

You must be logged in to post a comment Login