|

DEG-DEG:- Ciidanka Soomaaliland oo haween ku dhaawacay magaalada Laascaano.

Ciidanka maamulka Hargeysa ayaa maanta si bareer ah magaalada Laascaano uga geystay tacshiirad lagu dhaawacay labo kamid ah haweenka Qaadka ka ganacsada.

Falkaan oo goor dhowayd dhacay, ayaa kadib isku badelay rabshad ka gacan hadal oo dhex maray ciidamada falkaan geystay iyo dadweyne ka dhiidhiyay tacadiga ciidamada maamulka Hargeysa ka geysanayaan magaalada Laascaabo oo hadda noqotay tusbax furtay.

Warar uu helayo warsidaha Puntlandi ayaa sheegaya in saddex kamid ah ciidankii SNM-ta ay ku dhaawacmeen iska hor imaadka shacabku kala hor yimaadeen, kuwaas oo loola cararay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Shacabka magaalada Laascaano ayaa isku ballansaday inay bannaanbaxyo waaweyn ka dhigaan magaalada Laascaano maalmaha ciida, si ay meel cad ugasoo jeestaan gumeysiga jeegaantu.

Halkaan ka dhegayso goobjooge ka hadlaya.

Puntlandi.com

 

 

Comments are closed