|

Guddiga difaaca Puntland oo ka hadlay shaqaaqadii ka dhacday Laascaano

Garowe (Puntlandi) Guddiga difaaca dowladda Puntland, ayaa si kulul u cambaareeyay gabood fal ciidanka maamulka Hargeysa ay ka geysteen magaalada Laascaano, kadib markii ay rasaas la dhaceen shacab aan waxba galabsan.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo ah guddoomiyaha guddiga difaaca, oo shir jaraa’id ku qabtay Garowe, ayaa nasiib darro ku tilmaamay in maamul Hargeysa uu maalin kasta si bareer ah ugu xad gudbayo shacabka gobolka Sool oo uu xoogga ku haysto.

Cabdullaahi Cali Jaamac waxaa uu sheegay in labo haween lagu dhaawacay shaqaaqadii ciidanku ka geysteen Laascaano, sidoo kale wuxuu soo dhoweeyay sidii ay shacabku uga dhiidhiyeen falkaas foosha xun islamarkaana ay iska caabin la galeen maleyshiyada kusoo duushay, iyagoo ka dhaawacay askari kana furtay hal Qori oo ah AK47.

Wasiirka arrimaha guduhu waxaa kale oo uu sheegay in labadii haween ee lagu dhaawacay Laascaano, iyagoo loosoo qaadi lahaa magaalada Garowe, si loogu dabiibo in lagu celiyay Tukaraq loona diiday in Garowe loo gudbiyo.

Timcadde waxaa uu si cad u sheegay in maamulka Hargeysa ay xabbad uga saaridoonaan magaalada Laascaano oo uu tilmaamay inay hadda isku badeshay Qudusta Puntland.

PUNTLANDI.COM

 

You must be logged in to post a comment Login