|

Breaking News–Raysal wasaaraha Itoobiya oo dhexdhexaadinaya Xukuumadada Soomaaliya iyo Emaraatka



Warbaahinta Puntlandi.com oo soo xiganaya Saraakiil aad ugu dhow Villa Soomaaliya ayaa helay in Safarka Raysal wasaaraha Itoobiya uu ku yimid Muqdisho ay ugu wayneyd ukala Dab qaadida Villa Soomaaliya iyo Abu dhabi.

Raysal wasaare Abiy Ahmed Ali oo maanta booqdey Muqdisho ayaa safarkiisa waxaa ugu weynaa sidii uu Madaxweyne Farmaajo uga dhaadhicin lahaa in dib loo soo celiyo Xiriirka Emaraatka iyo Dowlda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna u gudbiyey Madaxweyne Farmaajo dhambaal uu uga waday Dowlada Emaraatka, Dhambaalkaasoo xambaarsanaa dib u xduusinta taariikhda iyo Xiriirka ka dhexeeya Gerska Afrika iyo Emaraatka.

Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa ka shaqaynaya sidii loosoo celin lahaa Xiriirkii Emaraatka iyo Xukuunada Federaalka Soomaaliya.

Sida aan xogta ku helnay Raysal wasaaraha Itoobiya wuxuu Madaxweyne Farmaajo ku casumay Shir ay dhowaan Adis Ababa ku yeelanayaan Itooboya iyo Emaraatka, Shirkasoo lagu wado inuu dhaco bisha Septembar ee sanadkaan.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in uu Madaxweyne Farmaajo uu aqbalay casumaadaas.

Puntlandi
Muqdisho

Comments are closed