|

Breaking News— Qorshe socda, Doorashada Puntland oo dib loo dhigayo

Warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen ayaa sheegay in ay Xukuumadu wado qorshe dib loogu dhigayo Doorashada Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Puntland oo rasmi ahaan u dhici lahayd 8 janaayo 2019.

Mid kamida Gudiga doorashada oo si hoose ula hadlay Puntlandi.com ayaa xaqiijiyey in Xukuumadu ay qorshayso in dib loo dhigo Doorashada, Xubintaan ka tirsan Gudiga Doorashada Puntland wuxuu kaloo noo sheegay inuu ka walwal san yahay qorshahaan Xukuumadu ay wado.

Lama oga mudada ay xukuumadu doonayso iney dib u dhigto Doorashada, Iyadoo ay horey uga digeen Skyaadiyiin badan in Doorashada wakhtigeeda la dhaafiyo.

Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa wuxuu horey dhowr jeer ugusoo celceliyey in uusan jirin Wax qorshe ah oo Doorashada dib loogu dhigayo, Wuxuuna yiri Madaxweynuhu.. * Doorashadu waxay dhacaysaa 8 janaayo hadii illaah idmo, wakhtigii loogu tala galay ayay ku dhacaysaa*.

Laakiin hadalkaan hada kasoo yeeray qaar kamida Gudiga Doorashada ayaa kusoo beegmaya xili uu Dalku ku jiro xaalad Dagaal, Waana tan ay xukuunadu u tiigsanayso in Doorashada dib mlogu dhigo.

Puntlandi
Garowe

You must be logged in to post a comment Login