|

Qarax ka dhacay fagaare uu Raysal Wasaaraha Ethiopia khudbad ka jeedin lahaa.

Qarax xoogan ayaa ruxay bartamaha magaalada Addisababa halkaas oo ay kumanaan dad ah isugu yimaadeen iskusoo bax lagu taageerayay isbedelada raysal Wasaare Dr. Abiy.

Raysal Wasaare Abiy Ahmed ayaa si degdeg ah looga qaaday goobta iskusoo baxu ka dhacayay xilli halkaasi la filayay inuu qudbad ka jeediyo.

Warbaahinta gudaha ayaa ku waramaysa inay dhowr qof ku dhaawacmeen qaraxaan oo ka dhacay fagaaraha Meskel Square.

Saraakiil katirsan Booliiska Addisababa ayaa sheegay inuu qaraxu ahaa mid yar oo geystay khasaare kooban.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login