|

(VIDEO) Madaxweyne Gaas,” Sool ma noqondoonto daasad lagu tuugsado oo Hargeysa mushahar loogu doonto.

Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Gaas oo maanta khudbad ka jeedinayay kalfadhig 41-aad ee barlamaanka Puntland, ayaa shacabka gobolka Sool ugu hambalyeeyay in goor dhow laga dulqaadidoono heeryaada gumeysiga maamulka Hargeysa.

Madaxweyne Gaas ayaa yidhi.”Sool ma noqon doonto meel colaadeed, meel lagu muransan yahay oo aan cid leh la aqoon, Sool maaha daasad lagu tuugsado oo Hargeysa mushahar loogu doonto Sool maaha shandad diyaarad lala raaco oo ciyiraaf lagu doonto laguna barya tago”,

Madaxweynuhu waa uu sheegay dagaalka ay kula jiraan maamulka Somaliland inuu saameyn toos ah ku leeyahay midnimada iyo jiritaanka Puntland.

Halkaan ka daawo muuqaalka madaxweynaha.

Puntlandi.com

 

 

 

Comments are closed