|

Kalfadhigii barlamaanka Puntland oo furmay ajande la’aan.

Garowe (Puntlandi) Guddoomiyaha barlamaanka dowladda Puntland Axmed Cali Xaashi ayaan  sheegin ajendaha looga doodidoono kalfadhiga 41-aad ee barlamaanka Puntland, kaasoo maanta si rasmi ah ufirmay.

Khudbadii uu guddoomiyuhu ka jeediyay furitaanka kalfadhiga barlamaanka ma jirin meel uu kaga xusay arrimaha kalfadhiga lagu lafo guridoono, taas badelkeedna waxaa uu aad ugu dheeraaday arrimaha ka jira gobolka Sool iyo ammaanta ciidamada difaaca Puntland.

Arrintaan kusoo beegantay, iyadoo uu jiro shaki ku saabsan in kalfadhigaan maanta furmay uu barlamaanka horyaalo qorshe ku saabsan in waqtiga loo kordhiyo xukuumada iyo barlamaanka.

Warsidaha Puntlandi ayaa dhawaan qoray warbixin ku saabsan in madaxweyne Gaas loo sameyndoono muddo kordhin, sida uu kasoo xigtay xubin katirsan guddiga doorashada Puntland oo codsaday inaan magaciisa la shaacin.

Puntlandi.com

 

Comments are closed