|

DEG-DEG : – Dabley hubaysan oo weerar culus xalay saqdii dhexe ka ku qaaday ciidamada maamulka Jeegaanta Muse Biixi ee ku sugan Laascaano.

Dabley hubaysan oo la garanayn haybtooda ayaa xalay saqdii dhexe weeray saldhig ciidamada maamulka Somaliland ku leeyihiin magaalada Laascaano ee xarunta gobolka, halkaas oo maalmahaan oo uu ka jiro kacdoon shacab ah oo lagagasoo horjeedo maamulka Somaliland.

Iska hor imaadka oo socday saacado kooban ayaan la ogayn khasaaraha ka dhashay maadaama uu ahaa xilli habeen ah, iyadoo loo diyaar garoobayay salaadii subax, mana jiro sheegtay inay ka dambeeyaan falkaan lagu weeraray ciidamada maamulka Hargeysa.

Wararka hadda nagasoo gaaray Laascaano ayaa sheegaya in xaaladu haatan kacsan tahay islamarkaana uu maamulka Hargeysa ciidamo badan gudaha usoo galiyay xaafadaha.

Waxaa magaalada ku sugan wafdi uu soo diray Muuse Biixi, kuwaas oo iskudayaya inay aamusiyaan shacabka ka gadoodsan mamulka Hargeysa.

Wixii faahfaahin oo soo kordha kala socda Puntlandi.

 

 

 

 

Comments are closed