|

Breaking– Emaraatka Carabta” Ganacsatada Puntland wax Saameyn ah kuma yeelanayso Shaqaaqada Muqdisho ka socota

Ilo Dublamaasiyadeed ayaa Puntlandi.com u xaqiijiyey in kulan dhex maray Madaxweyne Gaas iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Arimaha Dibada Emaaraatka Carabta ay ka wada hadleen saameynta ay Puntland ku yeelan karto Ciriir xumada soo kala dhex gashay Xukuumada Federaalka iyo UAE.

Emaaraatku waxay si cad u sheegeen iney si qodto dheer ay ula socdaa Xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya sidaas awgeed wada shaqayn xumaanta iyo isfahan xumada Emaaraatka iyo Muqdisho soo kala dhex galay aysan marnaba Waxba u dhinayn Xiriirka u dhexeeya Puntland iyo Emaaraatka Ilaa inta ay Dowlada iyo Shacabka Puntland ay diyaarka u yihiin wada shaqaynta Dowlada EAE iyo Xiriirka walaaltinimo iyo ganacsi ee ka dhexeeya labada Shacab.

Wasaarada Arimaha Dibada EAE waxay kaloo hoosta ka xariiqeen in Xukuumada Emaaraatku ay sii wadayso wada shaqaynta Puntland ee la dagaalanka Xagjirka iyo Burcad badeeda.

Puntlandi.com
Dubai

Comments are closed