|

Hay’ada Kaalo oo Gaalkacyo ku qabatay tababar ku saabsan xalinta khilaafaadka.

Tababarkan oo loo qabtay gudiyada Qoxootiga ku nool magaalada Gaalkacyo iyo sharci kaaliyayaal ka tirsan Hay’ada Kaalo xafiiskeeda Gaalkacyo, Toobarkaan oo lagu baranayay casharo ku saabsan fahmida Qaybo ka mid ah Sharciyada Aduunka, Soomaliya iyo Sharciyada Puntland iyo sida loo xaliyo dhibaatooyinka, Khilaafaadka iyo isku dhacyada ka dhex dhaca Bulshada.

Waxaa tababarkaan furitaankiisa kasoo qayb galay masuuliyiin ka socotay UNHCR Waxayna u mahadceliyeen ka soo qaybgalyaasha waxayna kula dardaarmeen in ay ka faa’iidaystaan mudada Saddexda bari ah ee uu toobarkaan socondoono. waxayna kula dardaarantay in ay ka faa’iidaystaan casharada uu bixinayo bixiyaha tobabarkaan si shaqadooda ay u dardar galiyaan.

Tababarkaan oo bilawday 23 June 2018 oo socon doona 3 maalmood ee soo socota ayay Gudiyada kala dauwan ee Qoxootiga Gaalkacyo ku baranayaan sida loo xaliyo khilaafaadka bulshada Qaxootiga ah ska dhexdhaca, sidoo kale waxaa fahan guud laga siin doonaa sharciyada Aduunka iyo kuwa Dowladda Puntland.

Fulinta tababarkan ayaa waxaa maalgaliyay Hay’ada Qoxootiga u qaabilsan qaramada Midoobay ee UNHCR waxaana fuliyay haya’ada Kaalo Aid and Development Org, waxaana tababarkan oo kale lagu qaban doonaa Magaalooyinka kale ee Puntland wuxuuna Qayb ka yahay mashaariic balaaran ay Kaalo ka fulinayso deegaanada Puntland.

Mahan markii ugu horaysay oo tababar loo qabto Qoxootiga kunool Magaalada Gaalkacyo mana noqon doono toobarkii ugu danbeeyay, laakiin toobarkaan ayaa kusoo aaday xili loo baahnaa maadaama hada la dhisay gudiga cusub ee Qoxootiga Gaalkacyo.

Comments are closed