|

BreakingNews: Xeer ilaalinta Puntland oo amartay in lasoo xiro xisaabiyihii maaliyadda gobolka Mudug.

Xeer ilaaliyaha maxkamada sare puntland ayaa maanta amray in lasoo xiro xisaabiyihii maaliyadda gobolka Mudug, oo loo haysto musuq maasuq.

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw Cismaan oo saxaafada shir jaraaid u qabtay ayaa sheegay in xisaabiyihii gobolka Mudug oo lagu magaacabo Barqadle Aadan Muuse inuu ubaxsaday dalka Itoobiya kadib markii lagu helay inuu lunsaday lacago ku jiray qasnada maaliyadda gobolka  Mudug.

Xeer ilaaliyuhu ma sheegin cadadka musuq maasuqa maaliyaddeed ee loo hayato, balse wuxuu sheegay inuu baaritaanku weli socdo.

Comments are closed