|

(Dhagayso) Shacabka Degmada Godob Jiiraan Oo Ciidamada Difaaca Puntland ku Wareejitay Deeq Xolo ah

shacabka iyo Maamulka Degmada Godob jiiraan ee Gobolka Nugaalk ayaa Tiro Ari ah ugu deeqay Ciidamada Difaaca Puntland .

Gudoomiyaha Degmada iyo qaar kamid ah  wax garadka Degmada ayaa goobta ka hadlay  waxayn ay sheegeen in deeqdan ay noqon doonto mid joogto ah .
Maalmihii udambeeyay ,waxaa si dardarleh u socotay taakulada Ciidamada  Difaaca ee dowladda Puntland uga imanayay dalka gudihiisa iyo dibadiisa , taas oo ay ugu deeqayayaan shacabka Puntland oo ay ka go,antahay dib u so celinta gobolada ka maqan gacanta Puntland  .
Gudiga Difaaca dowladda Puntland ayaa kala wareegay deeqdan xoolaha ah  shacabka Degmada Godob jiiraan , waxan uga mahad celiyeen taakulada ay markasta la garab taagan yihiin .
Halkan ka dhagayso .
      shacabka Godob jiiraan

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Comments are closed