|

Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed Oo Adis- Ababa ku qaabilay C/kariin Qalbi dhagax , Akhriso:- Maxay ka Wada hadleen ?

Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed ayaa Magaalada Adis Ababa kula kulmay goor dhawayd  Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Saraakiisha  Sar sare ee Jabhada ONLF oo dowladda Soomaaliya  ayaa  daba yaaqadisii sanadkii tagay ee 2017 bishii  Agaust  ku wareejisay   dowladda Itoobiya.

kulankan uu Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed uu la qaatay Qalbi dhagax ayaa ahaa mid uu ugu kuurgalaayay xaalada uu kusugan yahay .

Majirto ilaa iyo hada cid faah faahin dheeraad ah ka bixisay waxyaabihii ay isla meel dhigeen Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed iyo C/kariin Qalbi dhagax , balse Afhayeen ka Ururka ONLF  ayaa shegay in ilaa iyo haatay aysan u cadayn in Qalbi dhagay uu wali xor yahay.

 

Baarlaamanka dalka Itoobiya ayaa Golaha Wasiirada ee bdalkaas wax ay ka dalbadeen qaraar horay u soo ansixiyay Golaha, kaasoo ahaa in Liiska Argagixisada laga saaro Ururada OLF, ONLF iyo Ginbot 7 oo daagal kula jira dowladda Itoobiya.

 

 

Comments are closed