|

Madaxweyne Gaas Oo Hambalyo Udiray Shacabka Soomaaliyeed MunaasibadaXuska sanad guurada 58-aad ee 1- Luulyo

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo  ku aadan Xuska sanad guurada 58-aad ee  1- Luulyo,  maalintaas oo ahayd maalintii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed laga taago Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya, ayna midoobeen Gobolada Koonfur iyo Waqooyi  ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland  ayaa ku   tilmaamay maalintaas in ay ahayd maalintii midnimadda ummadda Soomaaliyeed ayna ahaanayso waligeed, loona baahan yahay in umadda Soomaaliyeed ka hormariso midnimadeeda wax walba.

You must be logged in to post a comment Login