|

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland oo bilowday Sixiddii imtixaanka Dugsiyadda sare ee Puntland.

Garowe (Puntlandi) Waxaa si rasmi ah loo bilaabay sixida imtixaanka 30 bishii jun waxaana ka qayb galay 162 Macalin oo kala ah 121 Saxaayaal, 13 Hubiyaal, 28 horjogayaal iyo Masuuliyiinta Xafiiska imtixaanka.

Agaasimaha Imtixaanka Puntland Axmed Maxamud Warsame (Axmed Saahid) ayaa ka warmay Maraxaladaha uu maro sixitaanka imtixaanka.

Waxaa uu yiri Agaasimaha “ Imtixaanka puntland waxa uu maraa heerar xasaasi ah oo dabayaal laga soo bilaabo aruurinta xogta ardayda, dajinta imtixaanka dib u habynta, Dabacaada, qaadista, coddingka, Saxida, standardizationka, iyo Marka ugu danabysa oo siidaynta Natiijda imtixaaka.

Sanadka ayaa waxaa ku yimi dibi dhac balse samayn ku yeelan mayso ardayada xiligoodii natiida waa helayaan. Warqadu waxay martaa Saddex gacmood oo isticmaala Saddex Qalin oo kala duwan oo is hubinaya.

Gacanta kowaad oo ah tan macallinka saxaya waxaa u isticmaala qalin guduudan

Waxaa ku xiga oo ka danabeeya gacanta labaad oo ah hubiyaha oo isticmaamala qalin madow,

Waxaa ku xiga oo ugu damabeeya gacanta saddexaad oo isticmaala qalin buluug ah.

Dhamaan saddexdaas heer ee is- hubinta ah waxaa ka sii sarreeya kalkaaliyaal dul wareegaya oo hubinaya dhamaan xaashiyada imtixaanka.

Intaa kadib ayaa natiijadii waxaa lagu soo wareejiyaa Xafiiska imtixaanadka oo hubin maalmo ah kadib iyo dabo-gal ku soo wareejiya guddiga sare ee imtixaanka kuwaas masuuliyadoodu tahay jaangoynta imtixaanka iyo waafijinta international examination standard.

Waxaa kalo agaasamaha imtixaanku hanbalyo shaqo adkaysi u diray macalimiintii imtixaanka saxaysay oo yiri waxay qabanyaan shaqo adag oo awood iyo karti ku jirto ilahayna ajarr iyo Xasnaad ha ka siiyo shaqada ay qabanayaan.

Puntlandi.com

Comments are closed