|

(Dhagayso) Maxaa u qabsoomay Baarlamaanka Puntland, wixii ka horeeyay Kalfadhigii 41-aad ?

Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland C/xamid Sheekh C/salaan ayaa waxa uu ka warbixiyay Waxyaabihii uqabsomay Baarlamaanka Puntland iyo heshiisyadii la horkeenay Baarlamaanka.

Hadaba Maxaa u qabsoomay ?

1-Dhagaysiga Warbixita Gudiyada Baarlamaanka oo kala ah Gudiga Arimaha Bulshada iyo Gudiga qorshaynta iyo Xiriirka caalamiga ah.

2-Tababaro ku saabsanaa sida cashuuraha loo ururiyo iyo qaabka loo bixiyo.

3- ka hortaga qul qulka Tahriibta ee Puntland.

4- Taageerada Hay,ada Puntland u qaabilsan Cudurka HIVAdiska.

5 -Dhagaysiga siyaasada Canshuuraha  oo Baarlamaanka la hor keenay .

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa kulankale  isgu iman doona  sida uu sheegay Gudoomiyaha ,kadib marka ay dhamaadaan maalmaha Xoriyada ee dalka .

Xildhibaanada ayaa waxa ay ka doodi doonaan maalmaha soo socda  12 Ajande oo la hor kenay kalfadhigii 41-aad ee Baarlamaanka Puntland, oo dhawaan uu daah furay Madaxweyne C/wali Cali Gaas .

Xildhibaanada ayaa sidookale dood ahadag  waxa ay ka yeelan doona Amniga iyo Difaaca Gobolada ka maqan gacanta Puntland, iyagoo xog waraysi la yeelan doona Madaxweynaha iyo Saraakiisha Cidamada Difaaca Puntland .

Halkan ka dhagayso Gudoomiye kixigeenka koowaad ee Baaralamaanka Puntland.

      Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Puntland

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

You must be logged in to post a comment Login