|

Mareykanka Oo ka dhacay Banaanbax Balaaran Oo looga soo horjeedo Siyaadada qalafsan Ee Madaxweyne Donald Trump .

Tobonaan kun oo qof ayaa  dibad baxyo balaaran waxa ay ka dhigay  Magaalooyin  waawayn  oo ku yaala   dalka  Mareykanka  Banaanbaxaas oo looga soo hor jeedo siyaasada qalafsan ee Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu ka la soo hor jeedo dadka aan sharciga dalkaasi haysan .

Madaxweyne Donald Trump ayaa fariin uu soo dhigay Bartiisa Tuwiterka waxa uu ku sheegay in sharciyada socdaalka  Mareykanka ay yihiin kuwa ugu liita dunida isla Markaana ay tahay soogalootigaasi in dalalkooda  lagu celiyo iyadoo aan la marsiin sharciga dalkaasi uyaala.

Ururo arimaha bani,aadanimada u dhaq dha qaaqa ayaa soo Abaabulay Banaanbaxan , wuxuuna Ururkan uu bilaabay  sidookale ila iyo lix boqol oo dibad bax oo ka kala dhacay Magaalooyinka yar yar iyo kuwa waawayn ee Dalkaasi  Mareykanka.

Dadkii soo qaban qaabiyay dibad baxan ayaa la sheegay in ay heleen taagero xoogan oo uga timid  Hooyooyin iyagu ka soo horjeeday siyaasado  uu horay Madaxweynaha ku kala saarayay Caruurta iyo Waalidiintooda.

 

 

Comments are closed