|

Baarayaal sheegay in kuuriyada Waqooyi ay sare uqaaday Bacriminta Nuyuklayrka kadib Heshiiskii Maraykanka iyo kuuriyada Waqooyi

koox kor kala socota dhaq dhaqaaqa dowladda kuuriyada waqooyi ayaa sheegay in sawiro lagu qaaday dayax Gacmeedka ay mujinayaan in xukuumadu  Pyongyang  ay horumar wayn ka samaysay mid kamid ah shaybaarada lagu bacrimiyo  hubka Niyuklayrka.

kooxda 38 waqooyi oo ah kox kormeer joogto ah ku samaysa dhinacyada Milatariga , dhaqaalaha ,iyo arimaha Bulshada ee kuuriyada waqooyi ayaa warbixin ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in muqaalo 21 bishaan lagu qaaday dayax gacmeed ay mujinayaan in xarunta cilmi baarista Niyukleerka ee Pyongyang  ay sare uqaaday Bacriminta hubkaasi.

Warbixintan ayaa ku soo beegmaysa lobo todobaad uun kadib markii uu Madaxweynaha kuuriyada waqooyi uu Saxiixay heshiis u ku baabi,inayo Xarumaha lagu bacrimiyo  hubka  Niyukleerka, wuxuuna Heshiiskan uu ka dambeeyay kadib Markii  kulan Taariikhi ah uu ku dhexmaray  dalka Singabuur   Madaxweyne  Donald Trump iyo dhigiisa kuuriyada waqooyi  Kim Jong-un.

 

Comments are closed