|

Imaaradka Carabta Oo ku dhawaqay Maanta in uu joojiyay ololaha Milatari ee uu Hormuudka kayahay Sacuudiga ,Akhirso:- Maxaytahaya Sababtu?

Dalka isutaga Imaaradka Carabta ayaa  maanta oo Axad ah waxa uu sheegay in la joojinayo ololaha Milatari ee uu Hogaaminayo  Sacuudiga taas oo ladoonayay in dib loogu qabsado  Magaalada xeebta ku taala ee dalka Yaman ee Xudayda.

Ujeedada Xabad joojinta ayuu Imaaradku ku sheegay in ay tahay in fursan la siiyo Ergayga gaarka ah e Qaramada midoobay ,oo ukala dab qadaya labada dhinac ee uu dagaalku udhaxeeyo.

Ergayga ayaa horay usheegay in kooxda Xuutiyiinta iyo isbahaysiga oo uu  Sacuudiga hogaaminayo ay muujiyen in ay doonayaan in wadahadalada ay dib u bilaabaan.

Bartamihii bishii Jun ayuu isbahaysiga Sacuudiga  uu hogaamiyo waxa uu weerar ku qaaday Magaalada Xudayda si uu Xuutiyiinta goobta uga saaro ,balse Ergayga ayaa shegay in Xuutiyiintu ay doonayaan in Maamulka Dekeda Xudayda ay doonayaan in ay ku warejiyaan Qaramada Midoobay.

Comments are closed