|

(DHEGAYSO) Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka jawaabay baaq kasoo yeeray beesha Habar jeclo.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, ayaa jawaab ka bixiyay baaq kasoo yeeray beesha Habar jeclo, taasoo codsatay in xal nabadeed laga gaaro colaada gobolka Sool.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, ayaa isagoo ka jawaabayay baaqaan wuxuu ku yidhi,” Waxaan usheegayaa beesha Habarjeclo nabaddaan aad doonaysaan waxay ansax noqonaysaan markaad ciidamadiina kala baxdaan gobolka Sool”.

Madaxweyne ku xigeenka waxaa uu u sheegay beesha Habar jeclo in ciidanka duulaanka kusoo qaaday gobolka Sool ay yihiin wiilashooda, islamarkaana aysan macquul ahayn inay nabad ku baaqaan, wiilashoodiina ay jiida dagaalka ku sugan yihiin.

Halkaan hoose ka dhegayso codka Camey.

      Camay-Tukaraq

Puntlandi.com

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

You must be logged in to post a comment Login