|

Dowladda Imaartaatka Carabta oo caawinaad ufidisay 20,000 oo qoys oo ku nool degaanada Puntland.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay wakaalada wararka ee UAE, dowladda Imaaraatka Carabta ayaa gargaar dhan 900 tan gaarsiiyay meelo badan oo katirsan degaanada Puntland oo ay saameeyeen abaarihii Puntland ku dhuftay.

Gargaarkaan ayay dowladda Imaaraatku usoo wakiilatay hay’ad lagu magacaabo Khalifa bin Zayed Al Nahyan, waxaana gurmadkan lagu sheegay inuu qeyb ka yahay caawinaad dowladda Imaaraatku ka geysatay meelo badan oo Soomaaliya katirsan.

Afhayeen u hadlay hay’ada Al Nahyan, ayaa sheegay inay howlgalkaan samafalka ah gaarsiiyeen 20,000 oo qoysas ah, waxaana gargaarkana laga fuliyay inta udhexeysa Caluula illaa iyo Buuhoodle.

Dowladda Imaarataka ayaa si lamid ah barnaamijkaan uga fulisay degaanada Jubbaland waxayna 30,000 dad ah gaarsiiyay mucaawinooyin kala duwan.

Puntlandi.com

Comments are closed