|

Xog uruurin ku saabsan ugaarsiga Raisal Wasaare Kheyre ku hayo masuuliyiinta ka soo jeeda Puntland

WAXAA SOCTA XOG URUURIN KU SAABSAN SIDA KHAYRE U COLAADIYO BEELAHA SOOMAALIYEED GAR AHAAN PUNTLAND/TANI WAA QEYBTII 1AAD.

Raisal Wasaare Kheyre Muxuu Puntland u Colaadiyaa?
Waxaan ku Gudo Jirnaa Xog Uruurin ku Saabsan Sababta Arritaan kaliftay?

Dhamaan masuuliyiintan halkan aanu ku soo bandhigi doono waxaa iyadoo laga urinaayo halka ay ka soo jeedaan oo ah Puntland ah si shakhsi ah ugaarsaday Raisal Wasaare Xasan Cali Kheyre

#- Wasiirkii Arrimaha Gudaha Juxaa isaga ayaa Shaqadii ka Cayrshay

#- Wasiirka Arrimaha Dibadda Awad isaga ayaa mar Walba culeys ku haya, kana reeba shirarka Caalamiga ah iyo kuwa iqliimiga ah

#- Taliyaha Pooliska isaga ayaa Markii hore isaga diidana in loo Magacaabo Taliyaha Pooliska,Wuxuuna Hadda Madaxweynah ku Cadadiinayaa Siddii Xilka looga Qaddi lahaa, iyado waxaaaso Dhan Madaxweynuhu Raali uga yahay.

#- Khayre Wuxuu Xafiiskiisa ka Cayriyey Xoghayihii Joogtada ahaa ee Xafiska Raisal Wasaaraha.

#- Wuxuu Shaqaddii ka Cayriyey Xoghayihii Wasaaradda Maaliyadda.

#- Wuxuu Shaqaddii ka Cayriye Agaasimihii Policy Service ee Xafiiska Raisal Wasaaraha.

#- Wuxuu Shaqaddii ka Cayriyey Agaasime ku Xigeenkii hayada Nabad Sugidda.
# –Wuxuu Shaqaddii ka Cayriyey Agaasime ku Xigeenkii Duulista Hawada.

#-Wuxuu Shaqaddii ka Cayriyey Agaasimihii Maamulka Lacagta ee Wasaaradda Caafimaadka.

Dhammaan masuuliyintaa xilalkii ay qaranka u hayeen waxaa sabab reernimo uga cayrshay Raisal Wasaare Hassan Ali Kheyre.

Waxaa Xuusid Mudan oo la sheegay in Talabooyinkaa ugaarsiga ah ee uu wado Raisal Wasaare Kheyre uu kala Tashaday Madaxweyne Farmaajo,waxaa kale oo hadda Miiska Saran Dhaman Safiiraddii Siddii Xilka looga Qaaddi lahaa,waxaa kale oo Labadda Xafiis laga Manuucay lagana ilaaliyey Dhamaan Sarakiishi ka Soo Jeedey Degaanadda PL.

LA SOCDA QEYBTA 2AAD.

QORE: A HASHI

You must be logged in to post a comment Login