|

Breaking News : – Cabdikariin Sheekh Muse (Qalbi-dhagax) oo ku sii jeeda Nairobi – Kenya


Cabdikarin Sheekh Muse ( Qalbi-dhagax) Bolla Airport Adisababa

Wararka naga soo gaaraya magaalada Adisababa ayaa in tibaaxaya in Cabdukarin Sheekh Muse ( Qalbi-dhagax) oo ka mida ahaa masuuliyiinta sar-sare ee Jabhada Xoreybta Ogaadeniya (ONLF) dhawaana xabisyada Ehiopia laga soo daayey uu hadda ku sugan yahay qolka marti sharafta (VIP) ee garoonka diyaaradaha ee Bolla-Airport ee magaalada Adisababa isagoo ku sii jeeda booqasho uu ugu kicitimaayo magaalada Nairopi ee Kenya.

Dadweyne aad u badan oo soo dhaweynaaya Qalbi-dhagax ayaa hadda ku sugan garoonka diyaaradaha ee Jomma Kenyatta Airpirt ee magaalada Nairobi, waxaana magaalada ka socda diyaargarow aad u weyn oo lagu soo dhaweynaayo Qalbi-dhagax

You must be logged in to post a comment Login