|

(DAAWO)Dowladda Puntland oo eedayn u jeedisay Wasiirka isgaarsiinta DFS

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo galabtay shir jaraa,id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay kasoo horjeestay Xeerka Isgaarsiinta Soomaaliya oo ay soo bandhigtay Wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya.

Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa ku sababeeyey go,aankooda kadib markii Wasiirka isgaarsiinta Soomaaliya uu kasoo horjeestay qodobadkii kasoo baxay shirkii isgaarsiinta Soomaaliya oo 27-kii Bisha May lagu qabtay Magaalada Garoowe.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta Hidaha iyo Dhaqanka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in go,aankaan ay ku midaysanyihiin Wasiiradda Warfaafinta iyo isgaarsiinta dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federalka.

Qarjab ayaa ku eedeeyey Madaxda Wasaaradda Isgaarsiinta Soomaaliya inay marin habaabiyeen xeerka isgaarsiinta Soomaaliya islamarkaana aysan diyaar u ahayn inay dadka soomaaliyeed ay helaan shuruuc loo dhan yahay.

Wasiirka Warfaafinta ayaa intaa ku daray in wasiirka Isgaarsiinta iyo Madaxda Wasaaraddu ay sheegeen inay ku qanacsan yihiin waxyaabaha kasoo baxa shirka lagu qabtay Garoowe,balse markii shirku soo dhamaaday ay ka hor yimaadeen qodobada shirka kasoo baxay.

Halkaan Ka Daawo Muuqaalka.

You must be logged in to post a comment Login