|

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaraddaha Isgaarsiinta Dowlad Goboleedyada

Warsaxaafadeed wadajir ah Wasaaraddaha Isgaarsiinta Dowlad Goboleedyada.
Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta dawlad goboleedyada Koonfur-Galbeed, Jubaland, Puntland, Hirshabeelle iyo Galmudug waxay si wadajir ah ugu mahadcelinayaan Dawladda Puntland oo hirgelisay shirkii Isgaarsiinta Soomaaliya 24-28 bisha June 2018.

Shirkii Garoowe oo lagu lafa guray khilaafkii ka dhashay guddiga Isgaarsiinta Qaranka iyo Xeerka Isgaarsiinta oo ay Wasaaradaha Maamul Goboleedyada iyo shirkadaha Isgaarsiinta intooda badan ay ka hor yimaaddeen qaabkii loo xuley guddiga Isgaarsiinta. Wasaaradaha Isgaarsiinta ee Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya waxay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya uga mahadcelinayaan garashada iyo masuuliyadda dheeriga ah ee uu muujiyay iyo talooyinka uusoo jeediyay si xal waara looga gaaro khilaafka la xariira Guddiga Isgaarsiinta DFS.

Wasaaraddaha Isgaarsiinta ee shanta Dowlad-Goboleed waxay iyagoo tixgalinaya muhiimadda helitaanka guddi loo dhan yahay oo matali kara shacabka Soomaaliyeed kana shaqeeya danaha shirkadaha Isgaarsiinta iyo shacabka Soomaaliyeed, soo jeedinayaan arrimahan hoos ku xusan:-
⦁ Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta Dowlad Goboleedyadu waxay aad uga xun yihiin ku adkeysiga Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya uu ku adkeysanayo Jiritaanka Guddiga isagu samaystay ee uu la tashi la,aanta Magacaabay kana dhega fureystay soo jeedinta Dowlad Goboleedyada dalka iyo tii wasiiru dowlihiisa; Wasiiradu waxay wasiirka xusuusinayaan in dalku leeyahay hannaan siyaasadeed oo wada tashi iyo awooda qeybsi ku dhisan, isla markaana aanay suura gal ahayn in cid gaar ihi saydoonto isaga maamulato hawl ummadda Soomaaliyeed ka dhexaysa oo aan loo marin wadatashigii loo baahnaa. Sidaas daraaddeed haddii ku adkaysiga wasiirku sii socdo waxa adkaan doonto hirgalinta xeerkaan iyo guddiga hadda dhisan.

⦁ In la tixgaliyo go’ aammadii kasoo baxay shirkii Garoowe ee Dowlad goboleedyadu ay ku soo jeediyeen in xubnaha Guddiga laga dhigo 15-xubnood oo xubnahaas lagu saleeyo 1-xubin Shirkadaha Isgaarsiinta ee Tabasahada qaba loogu daro iyo 5-xubnood oo Dowlad goboleedyada ah, Isla markaana laga shaqeeyo sidii la isugu soo dhawayn lahaa dhammaan daneeyayaasha Isgaarsiinta dalka si loo gaaro xal waara iyo horumar.
⦁ Waxay wasaaradaha Isgaarsiinta dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay caddaynayaan in xeerka isgaarsiinta DFS ee golayaasha dawllada federaaka ah maray iyo kan faafinta rasmiga ah ku soo baxay ay kala duwanyihiin, taasina ay ku tusinayso laqdaba ku jirta xeerkan.
⦁ Waxay wasaaradaha isgaarsiinta ee dawlad goboleedyadu caddaynayaan warka uu sheegay wasiirka wasaaradda Isgaarsiinta iyo Boostada Dawladda Federaalka 3-dii bisha Luulyo 2018 ee ahaa in wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Dawladda Federaalku wadatashi kala samaysay dhismaha guddiga isgaarsiinta Dalka uu yahay waxba kama jiraan iyo been abuurasho cad.
⦁ In la tixgaliyo talada Wasiiru dawlaha Wasaaradda Isgaarsiinta DFS Isla markaana la xoojiyo fulinta qodobada uu soo jeediyay.
⦁ In dhammaan dawlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya ay isugu Yimaadaan shir muhiim ah oo looga arinsan doono arimaha kor ku xusan kaasoo ay dawlad Goboleedka Koonfurgalbeed ee Soomaaliya marti gelin doonto.
⦁ Wasaaradaha Boostada & Isgaarsiinta Dowlad Goboleedyadu waxay Wasaaradda Boostada Iyo Isgaarsiinta Koonfurgalbeed Uga mahadcelinayaan gogosha ay u fidisay iyo marti gelinta shirka daneeyayaasha Isgaarsiinta Dalka oo qorshuhu yahay in Baydhabo lagu qabto haddii alle idmo.
Ugu dambeyn waxaan markale ugu baaqeynaa dhammaan Daneeyayaasha isgaarsiinta dalku inay mas-uuliyad iska saaaraan badbaadinta iyo Turxaan bixinta dhismaha Hay-adda Isgaarsiinta dalka taasoo kaalin weyn ku leh hagaajinta iyo dardargelinta u adeegidda Bulshada Soomaaliyeed.

Dhammaad

You must be logged in to post a comment Login