|

BREAKING NEWS:- Dowladda Ethiopia oo liiska argigixisada ka saartay ONLF iyo ururo kale.

Dowladda Ethiopia ayaa jabhadda ONLF iyo labo urur kale oo mucaarad ah ka saartay liiska ururada argigixisada, maanta oo khamiis ah.

Warbixin lagasii daayay warbaahinta dowladda Ethiopia ayaa lagu sheegay in barlamaanka Ethiopia uu ucodeeyay in saddex urur oo kala ah, the Oromo Liberation Front , Ogaden National Liberation Front (ONLF) iyo Ginbot 7, laga saaro liiska argigixisada.

Golaha wasiiradda Ethiopia ayaa sabtidii lasoo dhaafay meel mariyay qaraarkaan, iyagoo sheegay tilaabadaan inay dhiiri galinayso ururadaan inay si nabad gelyo uga qeyb qaataan siyaasada dalka Ethiopia, si ay ugu guulaystaan qorshahooda siyaasadeed.

Puntlandi.com

Comments are closed