|

(SAWIRRO) Guddiga difaaca Puntland oo la wareegay ciidamo.

Guddiga difaaca dowladda Puntland ayaa maanta duleedka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ku soo dhoweeyey ciidamo horleh oo qayb ka noqon doona ciidamada Puntland ee ka qayb qaadan doona xoraynta gobolka Sool.

Ciidamadaan oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaan horay uga mid ahayn ciidanka dowladda Puntland, waxaana la qoray ciidanka difaaca markii ay go’aansadeen inay ku biiraan ciidanka.

Ciidamadaan ku biiray ciidanka difaaca Puntland waxaa si mutadawacnimo ah u keenay beesha Reer-samakaab (Ciise Maxamuud) oo kamid ah beelaha degan gobolka Nugaal.

Xildhibaano, saraakiil iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Reer-samakaab oo ka hadlay madasha lagu qaramaynayey ciidankan ayaa sheegay in ciidankaani ay go’aansadeen inay ka mid noqdaan ciidamada difaaca ee Puntland ayna maanta wixii ka dambeeya noqon doonaan ciidamo dowladeed.

Xubno katirsan gudiga difaaca dowladda Puntland oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u mahadceliyey ciidamadaan geesiyaasha ah ee difaaca dalka naftooda u huraya, waxaana ay sheegeen in maanta wixii ka dambeeya loo diiwaangelin doono ciidamo dowladeed.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login