|

Al-shabaab Oo Qaraxyo ismiidaamin ah la,eegtay Wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Amiga Ee dowladda Fadaraalka Soomalaiya

labo Qarax oo ismiidamin ah ayaa ka dhacay maanta Xarunta Oto Oto oo ay kuyaalaan Wasaaradaha Amniga iyo Arimaha Gudha ee Dowladdda Soomaaliya.

Qaraxa kadib ayaa rag hubaysan waxa ay gudaha ugaleen Xarunta kuwaas oo Tiradooda lasgu sheegay ilaa iyo sadax qof .

Dadka qaar ayaa la sheegay in ay ka boodeen darbiga Xarunta si ay naftooda u Bad baadsadaan.

Wareerarkan ayaa waxaa ku dhinta ilaa iyo 15 qof ,waxaana ku dhaawacmay ilaa iyo 20 qof oo kale.

Cidamada dowladda ayaa markiidambe gobta yimid waxaana lagu soo waramayaa in  halkaasi lagu soo Afjaray Howlgalkaasi iyagoo Ciidamada halkaasi ku toogtay  ragii weerarka soo qaaday,

Mas,uuliyada weerarkan ayaa waxaa sheegatay kooxda Al-shabaab .

Xarumahan maanta ay Al-shabaab Weerarka ay ku qaaday ayaa waxaa ka agdhaw Xarumta Golaha Shacabka , waxayna ay ku yaalen  Wadadda dheer ee isku xirta Madaxtooyadda Villa Somalia iyo Maka Al-mukarama, waana goob si wayn loo ilaa , iskadaa Qarax in lala galee   xitaa waxaa aad uadkeed in qofka lugaynaya oo si sahal ah ku galo

Arintan ayaa waxa ay keenaysaa in tuhun badan u jiro oo ku aadan in kooxda Al-shabaab ay lashaqaynayeen kooxkale oo gudha kujirtay loona fududeeyay Weerarkan.

 

 

 

You must be logged in to post a comment Login