|

Dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia oo jawaab ka bixiyay warbixintii hay’ada xuquuqda Aadanaha kasoo baxday.

Xukuumada deegaanka Soomaalida itoobiya oo kaduulaysa warbixinta Human Rights Watch ay kaqortay xarunta dhexe ee dhaqantoosinta asluubta DDSI ee magaalada jigjiga ayaa beenisay warbixintaas kuna tilmaantay inay tahay mid been abuur ah oo aan waxba kajirin islamarkaana lasoo maluuqay oo waliba hal dhinac ah oo aan sal iyo raadtoona lahayn, kuna salaysan waxaysan goobjoog u ahayn iyo waxaa layidhi aragti madaw oo shaqsi sadexaad oo aan isaguna goobjoog ahayn islamarkaana muuqaalada videoyada ay hay’adu u isticmaashay cadaymo ahaanta ay yihiin kuwo aan marnaba daliil unoqon karin hada kahora ay in kabadan 3 jeer soo qaateen oo ay kusoo celceliyaan mar walba oo ay deegaanka waxkaqoraan cadayn la’aan darteed meesha videoyada qaarkoodna ay yihiin kuwo si kutalagal ah oo public ah inta mediaha loo yeedhay loo duubay xili la qiimaynayay ciidanka deegaanka oo aan cidna laga qarinaynin xukuumaduna ay kawarhaysay si loo xaqiijiyo nidaamka cadaalada iyo isla xisaabtanka ee daryeelayaasha maxaabiista wakhti haatan laga joogo ugu yaraan 6sano iyadoo xiligaasi sharciga lahorgeeyay dhamaan xubnihii kukacay faldanbiyeedyo ka dhan ah maxaabiista talaabo sharciga waafaqsana laga qaaday.

Idriis Ismaaciil Cabdi afhayeenka ama wasiirka xidhiidhka arimaha dawlada ee DDSI ayaa sheegay inay Human Rights Watch kufashilantay warbixinta beenta ah ee ay 5tii Jully, 2018 kaqortay deegaanka islamarkaana uu wakhtigan xaadirka ah magaca iyo shaqada hay’adu u ekaaday mid wax lagu shubto kadibna qorta waxaan balance ahayn oo aan sal iyo raadtoona lahayn.Taasoo kuxadgudubtay sumcadii iyo karaamadii HRW si cadna ubaalmartay hadafkii iyo ujeedooyinkii loo aas aasay. wasiirka oo hadalkiisii sii wata ayaa xusay inay hay’adu waraysato oo kali ah shaqsiyaad nabadiidnimo loo xidhay xiliyo hore kadibna lacafiyay iyagoo xasuuq-wadareedyo iyo gumaadyo ba’an ugaystay shacabwaynaha deegaanka. wuxuuna wasiirku intaa kudaray inay Human Rights Watch kucaanbaxday warbixin mala awaal ah sababta oo ah muuqaalada ay hay’adu soo qaadatay ma ahayn shaqsiyaad lawaraystay balse waxay ahaayeen shirwayne lagu qiimaynayay booliska deegaanka oo ay xukuumadu ugu talagashay in laduubo lana baahiyo si loo tuso caalamka xaqiijinta nidaamka cadaalada iyo saraynta sharciga ee deegaanka.

Sidoo kale, mudane Idriis ayaa hoosta kaxariiqay in gabi ahaanba aysan jirin wakhti xaadirkan cid ONLF ah oo xabsiyada deegaanka kuxidhan marka laga reebo shaqsiyaad tiro yar oo cafis sugeyaal ah. wuxuuna intaa raaciyay in xarunta dhexe ee dhaqantoosinta DDSI ay tahay goob asluubeed oo kuqalabaysan dhamaan adeegyada uu helo shaqsiga xorta ah sida daryeelka dawada, cuntada, waxbarashada caadiga ah ee duniwiga fasalka 1aad ilaa jaamacad, tababarka xirfadaha kaladuwan sida xirfada farsamada gacanta ee furnitureka, harqaanka, tababarada xirfada isticmaalka computerada, waxbarashada diiniga ah sida barashada quraanka kariimka ah, axaadiista iwm iyadoo ay udheer tahay booqashadii iyo waliba xuquuqihii kale ee dastuuriga ahaa.

Iskusoo wada duuboo, xukuumada deegaanka ayaa canbaaraysay warbixinta beenta ah ee ay Human Rights Watch kadiyaarisay deegaanka 5tii bishan Jully 2018 GC kuna tilmaantay mid waxba kama jiraan ah hal dhinac iyo shaqsiyaad dagaal kula jiray xukuumada oo kali ahna laga diyaariyay oo ay kadanbeeyaan shaqsiyaad hay’ada kamid ah oo dano gaar ah wata islamarkaana laaluush qaateyaal ah taas oo ay kubeegsanayaan sumcad bi’inta deegaanka iyo hogaamintiisaba balse aan marnaba iyo si’naba ugu suurtagalaynin hada kahora usuurtagali wayday. waxayna xukuumadu fariin udirtay Human Rights Watch iyo cid kasta oo ay khusaysaba in xarunta dhexe ee dhaqantoosinta deegaanku ay tahay mid ufuran laguna soo dhawaynayo xili kasta

Comments are closed