|

Ayaan darane/Maan-ku-dhiigle 75 jir Prof Samatar oo sahay gaarsiiyey Ciidanka Jeegaanta ee Tukaraq iyo 40 jir Dr.Abiy Ahmed oo Ethiopia nabad u horseeday


Maan-ku-dhiigle Prof.Samatar Tukaraq

Wararka Shabakada Warbaahibta Puntlandi ka soo gaaray degaanka Degmada Tukaraq oo ay isku horfadhiyaan Shacbiga Puntland iyo Ciidamada dulaanka ah ee Jeeganta uu hogaamiyo Gashaanle Muse Biixi ayaa sheegay in maanta Ayaan darane/Maan-ku-dhiigle Prof.Axmed Ismaaciil Samatar uu sahay ciidan oo shakhsi ah u soo gaarsiiyey ciidanka Jeegaanta ee ku sugan Aaga Tukaraq.


Maan-ku-dhiigle Prof.Samatar Tukaraq

Ayaan darane/ Maan-ku-dhiigle Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ah shakhsi xukun u waashay, ayaa hore ugu caanbaxay aflagaadeynta, isku dirka iyo iska horkeenka Shacbiga Somaakiyeed.

Waa nasiib daro ku habsatay shacbiga Somaaliyeed in midkii 75 jirka ahaa ee aqoonta sheeganaayey,dalkana ka maqnaa mudo ku dhow konto sano inuu maanta hormuud ka noqdo dagaalada iyo colaada sokeeyey ee shacbiga Somaaliyeed, isagoo dhiiga shacbiga Somaaliyeed ka dhex raadinaya fursad uu ku helo xil siyaasadeed.


Prime Minister Abiy Ahmed in Asmara

Halka taa badalkeeda 40 jirka cusub ee reer Ethiopia Dr. Abiy Axmed uu la yimid fikir cusub oo nabadeed oo isbadal u horseedaya shacbigiisa Ethiopia iyo midka dhamaan shucuubta ku nool gobolka geeska Africa.

Maangudhiigle Prof Samatar iyo Isku shaandheynta Muse Biixi.

Wararka ka baxaya magaalada Hargeysa ee maamulka Jeegaanta Muse Biixi ayaa sheegaya in Maan-ku-dhiigle Prof.Samatar uu quudareynaayo, oo uu indha la raac-raacyo in loo magacaabo xilka Wasiirka Arimaha Dibada ee maamulka Jeegaanta isku shaandheyn la filayo maamlamaha soo sicda inuu Gashaanle Muse Biixi uu ku sameeyo xukumadiisa.

Waa nasiib daro in maan-ku-dhiigle Ina Samatar oo dhowr sano ka hor isu sharax Xilka Madaxweynanimada Xukuumada Federaalka Somaaliyeed in uu colaad iyo dhiig shacbi somaaliyeed oo daata uu maanta u dhiiri galiyo si uu gashaanle Muse uga helo xil wasiir maamul goboleed.

DUFAANTII IYO DABEYLIHII KU DHUFTAY GOBOLKA AWDAL.


Shacbigii Awdal ee waxyeeladu ka soo gaartay Duufaantu
Ayaan darane /Maan-ku-dhiigle Prof.Axmed Ismaaciil Samatar oo ka soo jeeda gobolka Awdal ee Jamhuuriyada Somaaliya ayaa waxa taageero iyo wax tar ah ku darsan gurmadkii shacbiga Somaaliyeed iyo Beesha caalamku u fideyeen Shacbiga Somaaliyeed ee Gobolka Awdal ee bishii may ee sannadkan ay waxyeelada balaaran ka soo gaartay difaantii iyo dabeylihii ku dhuftay degaankaas uu ka soo jeedo Maan-ku-dhiigle Prof Samatar.

Waa caqliga foorara in 75 jir aqoon sheeganyaa oo dadkiisii iyo degaankiisina aan ka warqabin, uu dhul iyo degaan aanu aqoonina colaad iyo dagaal lagu hoobto ka hurinaayo si uu ku helo xil Wasiir maamul goboleed.

Fiiro gaar ah :

Dhamaan Shacbiga Somaaliyeed iyo midka Puntland meel kasta ee uu jooga waa in si wadjir ah oo Somaalinimo ah loo canbaareeyo, loogana horyimaado talbaada gurancan ee colaad hurinta ah ee Maan-ku-dhiigle Prof.Axmed Ismaaciil Samatar uu ku yimid, isla markaana sahay iyo khudbado dagaal-ooglanimo ahna uu ka jeediyey Aaga Tukaraq, ee ay isku horfadhiyaan Ciidanka difaaca shacbiga Puntland iyo Ciidanka dulaanka ah ee Jeegaanta Muse Biixi.

Waxaa waajib ah in dalka gudihiisa iyo dibadiisa shacbigu mujiyaan dareenkooda ku aadan colaada uu cadeystay ee uu wado Maan-ku-dhiigle Axmed Ismaciil Samatar.

Waxaa lagma maarmaan in Jaaliyadaha dibadu fadhiga ka kacaan oo aan laga xishoon , isla markaana dacawad lagu oogo dagaal-ooge Prof.Samatar iyo inta la midka ah ee Passport ajnabiga ah wadata,Jaaliyaduhu waa inay si wadajir iskaga kashadaan, ugana horyimaadaan maan-ku-dhiiglayaashu in ay dhiig shacbiga u daadiyaan si ay xil iyo xukun ku hekaan , isla markaana dacwooyinka iyo cadeeymahan cad cadna u gudbiyaan hayadaha sharciga iyo kuwa xuquuqal insaanka ah ee dalalka ay degan yihiin.

Comments are closed