|

Cabdicasiis Xildhibaan,” Qorshe xumada amni ee Xamar ka jirta awgeed ayaan isku casilay.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Md. C/casiis Cali Ibraahim ayaa beeniyay in xilka laga qaaday,isgoo sheegay inuu hore iska casilay xilkaasi.

Qoraal ka soo baxay Wasiirka Amniga oo la sheegay inuu ku taariikheysnaa 5-tii bishan July ayaa lagu caddeeyay in xilka Afhayeenimo laga qaaday C/casiis.

Hase ahaatee C/casiis Xildhibaan oo xalay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qoraalkaas uu
ahaa mid la been abuuray, isla markaana uu isaga is casilaadiisa u gudbiyay Wasiirka Amniga 7-dii
bishan oo ku beegneyd maalintii uu dhacay weerarkii Xarunta Otto Otto
ee Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga.

“Anigoo ka jawaabaya qoraal uu isoo gaarsiiyay Xogheynta Wasiirka Amniga oo ku saabsan qoraal la been abuuray inuu soo baxay 5-tii bishan July in la iga qaaday xilka Afhayeenka Wasaaradda Amniga, waxaa shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinayaa inaan xilkaas iska casilay 7-dii bishan, kaddib markii weerarka lagu soo qaaday Xarunta Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga”ayuu yiri C/casiis Xildhibaan.

C/casiis Xildhibaan ayaa kulan uu ka qeyb galay ka sheegay in aan wax la aqbali karin ay tahay sida ay ku suura gashay weerarkii lagu qaaday xarunta Otto Otto, iyadoo la xiray jidadka, sidoo kale waxaa uu su’aal ka keenay fulin la’aanta balan-qaadyada madaxda

You must be logged in to post a comment Login