|

Agaasimihii hore waaxda maamulka iyo maaliyadda wasaaradda haweenka oo xilka ku wareejiyey agaasimaha cusub.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo arimaha qoyska Puntland ayaa ka qaybgashay munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen agaasimihii hore ee maamulka iyo maaliyadda Wasaaradda horumarinta Haweenka iyo arimaha qoyska Puntland Cabdirisaaq Xasan Faarax iyo agaasimaha cusub ee waaxdaas loo soo magacaabay.

Agaasimaha Daryeelka Caruurta Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo arimaha qoyska Puntland Khadro Axmed ayaa ku amaantay shaqo wanaagiisii agaasimihii hore gudoon siisayna hadiyad ay ku saharftay maadaama uu kaalin weyn ka qaatay shaqooyinka wasaaradda.

Agaasimihii hore waaxda maamulka iyo maaliyada Wasaaradda Haweenka Cabdirisaaq Xasan Faarax ayaa soo dhaweeyey agaasimaha cusub kuna wareejiyey xafiiska maamulka iyo Maaliyada Wasaaradda horumarinta Haweenka iyo arimaha qoyska.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka Puntland ayaa sheegtay in agaasime cabdirisaaq uu kaalin weyn ka qaatay shaqooyinka Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta arimah qoyska isagoo ahaa lafdhabarta ay ku dhaqaaqdo Wasaaraddu.

Cabdirisaaq Xasan Faarax ayaa 8-dii sano ee ugu danbaysay ka shaqaynayey wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo arimaha qoyska Puntland waxaana hada loo magacaabay agaasimaha maamulka iyo maaliyadda wasaarada cadaalada iyo arimaha diinta Puntland.

Halkaan Ka Daawo Warbixin.

Puntlandi.com

You must be logged in to post a comment Login