|

Bulshadu Haddii Aan La Kala barin Ma Barriiqareen! Maqaal

Maamulka hadda ka jira Puntland oo si aan waayahan looga baran maamuladii ka horreeyay ku guulaystay midaynta iyo wada jirka beelaha ku bahoobay Dal-Udug. (PL). Waxaan shaki ku jirin in wada jirka iyo midnimada muuqata ay tahay mid lagu faano. Midnimada hadda ka dhex jirta reer PL, waxaa lala barbar dhigi karaa shucuurtii wadjirka lahayd ee 1998, taas oo sabab u ahyad in dhidibbada loo aaso Puntland.

Haddaan dib u jalleecno xilligan xilligiisii, sannadkii 2013, waxaa jirtay xiisad iyo khilaafyo beeleed oo meel xun gaaray, waxaa jiray isqabqabsi iyo colaad dhiillo wadatay oo ka dhex jirtay bulashada reer Puntland. Kala qeybsanaantii ka jirtay beelaha, waxa ay keentay in degmooyin hor leh ay gancata u galaan maamulka Hargeysa ka arrimiya. Waxaa kale oo meesha ka baxday kalsoonidii dadweynaha reer Sool iyo Sanaag ay u hayeen dawladihii wakhtigaa maamulka hayey, ka dib markii ay u muuqan wayday wax isku day ah oo ku wajahan difaaca dalka. Waxaa muuqata in arrintaasi si baaxad leh isu beddeshay oo khilaafkii beeluhu meesha ka baxay. Haddana si midaysan diyaar ugu yihiin xoraynta goballada la haysto.

Maadaama qaab dhismeedka bulshada Somaaliyeed ku salaysanyahay hab beeleed, maahan wax sahlan in si dhib yar loo abaabulo si ay meel uga soo wada jeestaan danahooda. Arrintaasina waxa ay u baahantahay dedaal fara badan iyo wacyi-gelin joogto ah, waana in shacabku ku qanco in hoggaanka talada haya uu dantooda wado, waxaana lagama maarmaan ah in dawladdu daacad ka noqoto arrimaha beelaha, caddaaladna ka samayso dhexdooda si loogu arko in ay u simantahay dadka ay matasho. In kasta oo mar walba tuhin jirayo, haddana waxaa ii soo baxday, ka dib markii aan la kulmay dad badan oo odayaal, wax garad, ganacsato iyo siyaasiyiin ah, in midnimada beeluhu meeshii ugu fiicanyd xilligaan marayso.

Isu soo dhawaanshaha beelahu maahan mid meel cidlo ah ka abuurmay e, waa mid ku timid in maamulku ka dhawrsaday in la siyaasadeeyo arrimaha beelaha dhexdooda ah. Dawladda hadda jirata, sida dadka badankiisyu aamminisanyihiin, ma abuurin, kumana dhaqmin, hab xulafaysi beleed ah, taainsa waxa ay meesha ka saartay dareen ama shaki ay beeluhu kala qabaan, Waxaa aad u yaraaday khilaafaadkii ka dhex taagnaan jiray beelaha, marar badanna khatar galiyay nabadda PL.

Si ay u hanato kalsoonida dadka, dawladdu waxa ay soo dhawaysay isimada, oo laf-dhabar u ah qaab-dhismeedka bulshada Puntland, qaddarin bandanna ku leh ummadda dhexdeeda, waxa ayna la yeelatay xiriir iyo wada shaqayn joogto ah, taas oo sahashay xiriirka shacabka iyo hoggaanka la doortay.

Tan iyo intii maamulka hadda jira uu talada hayay, waxaa jiray dhacdooyin ama kacdoon ay dad yar oo dano gaar ah lahaa horboodayeen, huwanaydna shaati qabiil, arrimahaas dawladdu waxa ay u maaraysay si aan seef la bood ahayn.
Waxa ay ku daddashay in aan marnaba dhiig daadan, iyada oo kaashatay oday- dhaqameedyada, culumada iyo wax garadka, si arrintu aanay faraha uga bixin. Waxay kale oo ay dawladdu go’aansatay in aanay ku degdegin, isticmaalinna cudud ciidan. Sido kale, waxa ay qaadatay aragti ah in wakhtigu saxo. Sidaa darteed, waxaa la siiyay muddo dheer oo dad badani ku macneeyeen in ay ahayd go’aan qaadasho xumo dhanka maamulka ah. Hese yeeshee, waxaa caddaatay in mawqifkaasi noqday mid mira dhalay, badbadiyayna naf iyo maal, meeshana ka saaray in kacdoommadaasi u xuubsiibtaan mid beeled. Arrimahaas xaasasiga ah, dawladdu waxa ay la kaashatay issimada iyo culimada, ugu dambeyntiisa waxa ay ku dhammaadeen afgarad iyo sulux ay bulshadu aad ugu riyaaqday.

Arrinta u cuslayd tan iyo intii PL la dhisay, marka laga reebo qabsashadii Sool iyo Sanaag, waxa ay ahayd colaaddii soo jiitantay ee ka jirtay gobolka Mudug. Arrintaas oo xalkeedu dheeraaday, dhiig badanna ku qubtay, dib udhac badanna gobolka ku keenay, waxaa hadda muuqata in xal bilaw ah laga gaaray, waxbadanna isbeddeleen. Muddo hadda ku dhow sannad, waxaa soo baxay ififaalo nabadeed. Waxaa la sameeyay ciidan isku dhaf ah oo ilaaliya nabadda magaalada Gaalkacyo. Illaa iyo haddana shaqo fiican bay ciidammadaasi qabteen. Waxaa kale oo bilaabantay wada shaqayn iyo isafgrad ka dhex jira PL iyo maamulka Galmudug. Durba waxaa muuqata in magaaladu ka soo kabanayso colaaddii wakhtiga dheer ragaadisay, waxaana durba biloday isdhex galkii beelaha magaalada wada dega, ganacsigii oo dib u soo noqday iyo rajo laga qabo inay gaalkacyo mar labaad soo nolaato.

Dadweynaha deggan gobolka Mudug si kal iyo laab ah ayay u soo dhaweeyeen nabadda iyo xasilloonida uu keenay heshiiskii la qaatay. Nabadda gobolka Mudug, waxa ay faa’iido ballaaran u leedahay labada dhinacba, sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan ah in laga dhabeeyo heshiika si loo gaaro nabad waarta. Go’aanka ay dawladda PL qaadatay, oo ahaa in lagu dedaalo si loo nabadeeyo dadka Somaaliyeed, waxaan shaki ku jirin in uu ah mid wakhtigiisa ku habboon rajo fiicanna laga qabo.

Arrinta dhabar jabka ku ah midnimada PL, waa gobollada la haysto oo ka baxay gacanta PL muddo ku dhow 12 sano. Mana jirin isku day ama qorshe dhab ah oo dawladihii hore ku dhaqaaqeen sidii loo soo celin lahaa goballadaas. Arrintaasi waxa ay aad u dhaawacday dhammaan dadka reer Pl, gaar ahaanna reer Sool & Sanaag oo u arkay in dawladaha soo maray PL aanay dan ka lahayn dhulka iyo dadka la haysto. In la qabsado goballada maqan, muddo dheerna gacan kale ku jiraan, waxaa masuuliyaddeeda leh dawladda PL. Arrinta ah waxaa kala qaybsan beelaha Sool, kama dulqaadiso waajibaadka dawladdu leedahay. Difaaca dalka iyo midaynta dadka waxaa masuul ka ah dawladdii loo igmaday in ay dalka hoggaamiso, ee mahan in eedda meel kale loo leexiyo.

Waxaa caddaatay in kala qaybsanaantii lagu sheegi jiray dadka reer Sool aanay ahayn mid dhankooda ka timid, ee ay sabab u ahayd hoggaanka PL oo gabay masuuliyaddiisii. Dadka reer Sool, marna diyaar uma ahayn in dalkooda la qabsado, oo ay galaan gacan gumaysi, waana dad leh taariikh soo jireen ah oo gumaysi-diid. Abaabulka iyo diyaar garowga xoogga leh ee reer Sool wadaan, waxa ay markhaati u tahay in ay mar walba diyaar u ahaayeen xoraynta Sool, ee waxa ay waayeen hoggaan abaabula, iskuna dubba rida cudud iyo midnimada dadka reer PL.

Siyaasadda dawladda oo aan abuurin kala qaybinta dadka, la shaqaynta isimmada oo muhiim u ah midnimada dadka oo aad loo xoojiyay, nabadda lagu soo dabbaalay gobolka Mudug, iyo mashaariic wax ku ool ah oo laga fuliyay dalka, waxa ay keentay in dadweynuhu jawaab waafi ah ka bixiyo baaqii dawladda ee ahaa in la xoreeyo dhulka la haysto. Waa markii u horraysay oo dadka reer PL cududdooda la mideeyo tan iyo intii ka dambaysay degaalladii sokeeye ee 90 maadkii. Midnimada, Isku duubnaanta iyo wadajirka maanta ka jirta PL, waa mid aan la arag indhawaalahaan, sidaa darteed, waxaa dawladda looga fadhiyaa sidii ay u maarayn lahayd, ugana ilaalin lahayd in fashil ku yimaado abaabulkan baaxadda leh. Dadka reer Puntland na, waxaa looga fadhiyaa sidii ay maamulkooda ugu garab-istaagi lahaayeen dedaallada horumarineed ee uu wado.

Dhammaad.

Qore: Cabdiraxman Warsame Jaamac,
Guddomiyihii Hore ee Rugta Ganacsiga, PL

.

Comments are closed